Buuggan oo ka kooban 28 baal, kelmed kelmed looma turjumin, waa lifaaq ka samaysmay fikaradaha dhaxal reebka asal ahaan ku xusaan buugii la soo turjumay iyo kuwa kale oo ku salaysan waaqica bani-aadamka hadda jira. Wuxuu kaa caawinayaa fahmida sida bani aadamka loogu siro in ay raalli ka noqdaan inay isu addoomeeyaan kooxaha qoriga caaraddiisa ku ceesha haba ku soo gabadaan magac diimeed, mid dawlad gobolaysi ama mid federaalba.
Ma arko khayr ka soo socda dhowr madax ah oo ii talisa
Mid kaliya ha ahaado taliye, mid kaliya ha ahaado boqor.
Kelmedahaas ayuu Homer afka Yulisis galiyay, isaga oo u khudbaynaya
dadwaynaha. hadduusan waxba ku darin, hadalka "Ma arko khayr ka soo socda dhowr madax ah oo ii talisaā€¯ waxay noqon lahayd hadal qumman, waxayna ahayd inuu ku ekeeyo xukun
dhowr taliye leh khayr maleh, sababtuna tahay awooda halka shaqsi qudheeda isla marka uu helo
magaca taliye guud, wu...